Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2024
    Halkan waxaa ah hadallo cajiib ah oo dhiirigelin iyo xikmad leh :  1. ‘’Guushu waxay timaaddaa marka aad diyaar u tahay inaad guuldarreysato oo aad mar walba dib u kacdo.’’ 2. ’’Noloshu waa safar, ha ka baqin inaad waddo cusub tijaabiso.’’ 3. ’’Hadii aad wax weyn rabto, ha ka cabsan inaad waqti dheer ku bixiso.’’ 4. ’’Qalbigaaga ku kalsoonow,maskaxdaadana ku tiirsanow, waxaad heli doontaa waxa aad raadineyso.’’ 5. ‘’Caqliga waxaa qurxiya dulqaadka, qalbiga waxaa qurxiya naxariista.’’ 6. ‘’Mar Walba ku dadaal inaad noqoto nooca ugu wanaagsan ee naftaada ah, halkii aad isku dayi lahayd inaad qof kale la tartanto.’’ 7. ‘’Waqti kasta oo aad lumiso waxaad lumisaa qayb ka mid ah mustaqbalkaaga.’’ 8. ‘’Fursadaha waa sida qorraxda; haddii aad eegto meel kale, waad lumin kartaa iftiinkooda.’’ 9. ‘’Noloshu waxay noqonaysaa mid fudud marka aad diirada saarto waxa dhab ahaan muhiimka kuu ah.’’ 10. ‘’Ma ahan waxa aad leedahay ee waa waxaa aad sameyso kaaga dhig...
                                                                  ORAAHDEENA v Dhagaha ka xiro dhaliilaha aadanaha,.. v Aqootu waxbay dhista mooye waxba ma dumiso.. v Ula dhaqan dadka si dagan si ay adna kula dhaqmaan si dabacsan,.. v Uma noolid sidaad u qancin lahayd qayrkaa ee waxaad u nooshahay sidaad u qancin lahayd rabigaa… v Hadii dadku uga cabsoon lahaayeen naarta, sida ay uga cabsadaan (faqriga), labadaba waa ay ka bad baadi lahaayeen… v Makaxdu waa qalabka ugu awooda badan ee aad haysato, u isticmaal si xikmadaysan.
  Sidee u diyaariyaa qormo? Diyaarinta qormooyinku waxay ahmiyad wayn u leeyihiin qof kasto oo saaxada akhriska ku dhex jira, maadama uu qofka uu akhrinayo buugaag kala duwan waxaa muhiim ah inuu barto qaabka loo diyaariyo qormooyinka. Waxaan halkaan kugu xusi doona dhowr qodob oo muhiim u ah qormada waxaana ka mid ah: 1.    Mawduuc xog laga qori karo : Mawduuca aad dooranayso inaad wax ka qorto waa inaad ka hayso xog badan sido kale waa inaad  wax badan  ka akhriso, Tusaale ahaan markaad geel wax ka qorayso xogtiisu way koobantahay, laakiin markaad xoolo wax ka qorayso xogtoodu way ballaaran tahay. 2.    Wax akhris  iyo xog raadin : Waa inaad ka war hayso mawduuca aad diyaarinayso aadna ka hayso akhbaar lagu kalsoonaan karo, xog raadintu waa baaritan uu qofku sameeyo si uu uga miro dhaliyo qormadiisa, sidoo kale waa inaad xogta kasoo xigtaa dadka lagu kalsoonaan karo. 3.    Dhimah afka soomaaliga : Waa in aad taqaano nax...