SIDEE U SAMEYSAN KARTAA QORSHE SANADKA 2025 ? Qaar badan oo naga mid ah waxay sanad kasta sameystaan qorsheyaal ay doonayaan inay hirgaliyaan inta uu sanadkaas socdo, ama wax cusub oo ay billaabayaan, qof kasta oo naga mid ahna wuxuu asteystaa arrimo uu ku hormarinayo noloshiisa. Ma laga yaabaa inay qorsheyaashaas ka mid yihiin inuu qofku caafimaadkiisa toosiyo ama inuu xoogaa lacag ah keydsado? Ama xitaa suurtagal ma tahay inaad go'aan ku gaartay joojinta balwad aad lahayd ama dabeecad aad dooneyso inaad iska dhaafto? Wax walba oo uu qorshahaaga sanadka cusub yahay, waxaa jira hal arrin oo aadan u hirgalin karin la'aanteed - waana dhiirrigalin. Laakiin sida aan dhammaanteen ka warqabno, taasi si sahlan kuma imaato. Kaliya 8% ka mid ah dadka qorsheyaasha dajista sanadka ayaa ku guuleysta inay fuliyaan, sida lagu qeexay daraasad. Hase yeeshee, khasab ma aha inaad tiradaas adiga ku jirtid. Haddaba halkan waxaan kuugu heynaa shan hab oo fudud, oo aad uga hortagi kartid inaad qoshe...
Wixii qoran baa Quruuma haree Muxuu hadal qiimo leeyahay