Skip to main content

SIDEE U SAMEYSAN KARTAA QORSHE SANADKA 2025 ?


Qaar badan oo naga mid ah waxay sanad kasta sameystaan qorsheyaal ay doonayaan inay hirgaliyaan inta uu sanadkaas socdo, ama wax cusub oo ay billaabayaan, qof kasta oo naga mid ahna wuxuu asteystaa arrimo uu ku hormarinayo noloshiisa.


Ma laga yaabaa inay qorsheyaashaas ka mid yihiin inuu qofku caafimaadkiisa toosiyo ama inuu xoogaa lacag ah keydsado? Ama xitaa suurtagal ma tahay inaad go'aan ku gaartay joojinta balwad aad lahayd ama dabeecad aad dooneyso inaad iska dhaafto?


Wax walba oo uu qorshahaaga sanadka cusub yahay, waxaa jira hal arrin oo aadan u hirgalin karin la'aanteed - waana dhiirrigalin. Laakiin sida aan dhammaanteen ka warqabno, taasi si sahlan kuma imaato. Kaliya 8% ka mid ah dadka qorsheyaasha dajista sanadka ayaa ku guuleysta inay fuliyaan, sida lagu qeexay daraasad. Hase yeeshee, khasab ma aha inaad tiradaas adiga ku jirtid.


Haddaba halkan waxaan kuugu heynaa shan hab oo fudud, oo aad uga hortagi kartid inaad qosheyaashaada ku guul darreysatid - guud ahaan sannadka. Nasiib wacan.


1. Ku bilow wax yar: In qorsheyaal macquul ah la sameysto waxay horseedi karaan fursad lagu guuleysto. Meel hoose oo macquul ah ka billow ka dibna si tartiib ah kor ugu sii soco. Qeyb ka mid ah dhibka na heysta waa inaan dajisanno qorsheyaal aad u waaweyn oo ay adag tahay inay suurtagalaan, taasna waxaa sabab u ah inuu qof walba isku maleeyo ruux dadka kale ka duwan isbaddal dhab ahna sameyn kara sannadka cusub. Inaad waxyar ka billowdid, waxay kuu sahleysaa inaad wax kasii weyn uga sii gudubtid. Haddii aad jeceshahay cunto karinta, waxaad cook jikada ku jira ku caawin kartaa inaad isbuuciiba hal raashin u karisid, sidaasna aad xirfadda kusii baratid. Isbaddalladu waxay u imaadaan si tartiib tartiib ah, iyadoo wakhti qaadanaya. 


2. Wax diiradda saar: Ka fikir waxa saxda ah ee aad damacsan tahay, meesha aad ku sameyneysid iyo wakhtiga aad ugu talagashay. Inta badan waxaan qorsheyaal dajisannaa annagoo aan fikrad sax ah ka heysanin qaabka aad wax u fulineyno.

Laakiin waxaa muhiim ah inaad si faahfaahsan wax u qorsheysatid. Inaad tiraahdid, Waxaan gym-ka aadayaa galab kasta oo Talaado ah iyo subax kasta oo Sabti ah" waxay ka fiican tahay inaad si guud u dhahdid "gym ayaan aadayaa". Marka aad sidaas wax diiradda u saarto, waxay ka dhigan tahay inaadan fikradda kaliya ku ekeyn oo sidoo kale aad heysatid sidii aad u qaadi lahayd tallaabada hirgalinta qorshaha.


3. Dhis taageero: Inaad heshid dad kale oo qorshahaaga oo kale damacsan waxay ku siineysaa dhiirrigalin aad u weyn. Taasi waxay micnaheeda noqon kartaa inaad qof saaxiib kula ah wax isla sameysaan ama inaad qorshahaaga ku soo bandhigtid dadka dhexdooda. Marba haddii aan muujinno qorshaheenna shaacinno waxay u badan tahay inaan ku dadaalno hirgalintiisa.


4. La dagaallan guuldaradda: Marka ay sii wadista qorshahaaga kugu adkaato, ka fikir sidii aad dib u eegis ugu sameyn lahayd.


Maxay yihiin caqabadaha kusoo wajahay?Maxay yihiin kuwa ugu adag? Maxayse yihiin kuwa ugu fudud?


Sii khafiifi qorshahaaga si uu u sii socdo, kuna farax guusha yar ee aad ka gaartid.

Haddii aad dooneysid inaad ku taagnaatid isla qorshahaas adkaaday, ka warran haddii aad dhinac kale kasoo gashid adigoo sidii hore kasii dhiirran?


5. Qorsheyaashaada ku astee ujeedooyin waqti dheer leh: Qorsheyaasha la dajisto ee ugu wanaagsan waa kuwa looga gol leeyahay wakhtiga dheer ee aad dooneysid inay noloshaada ku waaraan. Waxay ka fiican yihiin kuwa aan la hubin iyo kuwa laablakaca ku yimaada. Haddii aadan waligaa daneynin ciyaaraha, way adagtahay in lagu taagnaado qorshe ku saabsan sidii aad ciyaaryahan guuleysta ku noqon lahayd. Dadka qorsheyaashooda ku saleeya laab-la-kaca badanaa way ku guul darreystaan. haddiiba aad heysatid qorshe ku saabsan wax aad daneyn jirtay ama aad xiiseyneysid - u sameyso qorshe toosan oo maalinta ugu horreysa billowda. xigasho.


@Qormooyiin

Comments

Popular posts from this blog

    Halkan waxaa ah hadallo cajiib ah oo dhiirigelin iyo xikmad leh :  1. ‘’Guushu waxay timaaddaa marka aad diyaar u tahay inaad guuldarreysato oo aad mar walba dib u kacdo.’’ 2. ’’Noloshu waa safar, ha ka baqin inaad waddo cusub tijaabiso.’’ 3. ’’Hadii aad wax weyn rabto, ha ka cabsan inaad waqti dheer ku bixiso.’’ 4. ’’Qalbigaaga ku kalsoonow,maskaxdaadana ku tiirsanow, waxaad heli doontaa waxa aad raadineyso.’’ 5. ‘’Caqliga waxaa qurxiya dulqaadka, qalbiga waxaa qurxiya naxariista.’’ 6. ‘’Mar Walba ku dadaal inaad noqoto nooca ugu wanaagsan ee naftaada ah, halkii aad isku dayi lahayd inaad qof kale la tartanto.’’ 7. ‘’Waqti kasta oo aad lumiso waxaad lumisaa qayb ka mid ah mustaqbalkaaga.’’ 8. ‘’Fursadaha waa sida qorraxda; haddii aad eegto meel kale, waad lumin kartaa iftiinkooda.’’ 9. ‘’Noloshu waxay noqonaysaa mid fudud marka aad diirada saarto waxa dhab ahaan muhiimka kuu ah.’’ 10. ‘’Ma ahan waxa aad leedahay ee waa waxaa aad sameyso kaaga dhig...
  Sidee u diyaariyaa qormo? Diyaarinta qormooyinku waxay ahmiyad wayn u leeyihiin qof kasto oo saaxada akhriska ku dhex jira, maadama uu qofka uu akhrinayo buugaag kala duwan waxaa muhiim ah inuu barto qaabka loo diyaariyo qormooyinka. Waxaan halkaan kugu xusi doona dhowr qodob oo muhiim u ah qormada waxaana ka mid ah: 1.    Mawduuc xog laga qori karo : Mawduuca aad dooranayso inaad wax ka qorto waa inaad ka hayso xog badan sido kale waa inaad  wax badan  ka akhriso, Tusaale ahaan markaad geel wax ka qorayso xogtiisu way koobantahay, laakiin markaad xoolo wax ka qorayso xogtoodu way ballaaran tahay. 2.    Wax akhris  iyo xog raadin : Waa inaad ka war hayso mawduuca aad diyaarinayso aadna ka hayso akhbaar lagu kalsoonaan karo, xog raadintu waa baaritan uu qofku sameeyo si uu uga miro dhaliyo qormadiisa, sidoo kale waa inaad xogta kasoo xigtaa dadka lagu kalsoonaan karo. 3.    Dhimah afka soomaaliga : Waa in aad taqaano nax...