SIDEE U SAMEYSAN KARTAA QORSHE SANADKA 2025 ? Qaar badan oo naga mid ah waxay sanad kasta sameystaan qorsheyaal ay doonayaan inay hirgaliyaan inta uu sanadkaas socdo, ama wax cusub oo ay billaabayaan, qof kasta oo naga mid ahna wuxuu asteystaa arrimo uu ku hormarinayo noloshiisa. Ma laga yaabaa inay qorsheyaashaas ka mid yihiin inuu qofku caafimaadkiisa toosiyo ama inuu xoogaa lacag ah keydsado? Ama xitaa suurtagal ma tahay inaad go'aan ku gaartay joojinta balwad aad lahayd ama dabeecad aad dooneyso inaad iska dhaafto? Wax walba oo uu qorshahaaga sanadka cusub yahay, waxaa jira hal arrin oo aadan u hirgalin karin la'aanteed - waana dhiirrigalin. Laakiin sida aan dhammaanteen ka warqabno, taasi si sahlan kuma imaato. Kaliya 8% ka mid ah dadka qorsheyaasha dajista sanadka ayaa ku guuleysta inay fuliyaan, sida lagu qeexay daraasad. Hase yeeshee, khasab ma aha inaad tiradaas adiga ku jirtid. Haddaba halkan waxaan kuugu heynaa shan hab oo fudud, oo aad uga hortagi kartid inaad qoshe...
Halkan waxaa ah hadallo cajiib ah oo dhiirigelin iyo xikmad leh : 1. ‘’Guushu waxay timaaddaa marka aad diyaar u tahay inaad guuldarreysato oo aad mar walba dib u kacdo.’’ 2. ’’Noloshu waa safar, ha ka baqin inaad waddo cusub tijaabiso.’’ 3. ’’Hadii aad wax weyn rabto, ha ka cabsan inaad waqti dheer ku bixiso.’’ 4. ’’Qalbigaaga ku kalsoonow,maskaxdaadana ku tiirsanow, waxaad heli doontaa waxa aad raadineyso.’’ 5. ‘’Caqliga waxaa qurxiya dulqaadka, qalbiga waxaa qurxiya naxariista.’’ 6. ‘’Mar Walba ku dadaal inaad noqoto nooca ugu wanaagsan ee naftaada ah, halkii aad isku dayi lahayd inaad qof kale la tartanto.’’ 7. ‘’Waqti kasta oo aad lumiso waxaad lumisaa qayb ka mid ah mustaqbalkaaga.’’ 8. ‘’Fursadaha waa sida qorraxda; haddii aad eegto meel kale, waad lumin kartaa iftiinkooda.’’ 9. ‘’Noloshu waxay noqonaysaa mid fudud marka aad diirada saarto waxa dhab ahaan muhiimka kuu ah.’’ 10. ‘’Ma ahan waxa aad leedahay ee waa waxaa aad sameyso kaaga dhig...